Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda oo ka kooban dhowr dabaq oo si casri ah loo dhisay, isagoo kormeerray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Duqa Muqdisho, taliliyeyaasha ciidanka iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ah kuwa bixiyay qaar ka mid ah canshruucta lagu dhisay dhismaha.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

February 12, 2026
Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

February 12, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo agaasimaha mashaariicda wasaaraddaasi ayaa qiray in horumar weyn oo dhanka dib u habeynta shaqaalaha iyo xarumaha  shaqo ee wasaaradda Maaliyadda la sameeyey, tallaabadaasina ay daliil u tahay dhismaha uu madaxweynaha xarigga ka jaray.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise, ayaa hoosta ka xariiqay in nidaam maaliyadeed oo deggan isla markaana la jaan-qaadi kara kuwa caalamka Soomaaliya ay yeelatay.

Wasiirka Maaliyadda Maxamad Ibraahin “Fargeti” ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay dadaal balaaran ugu jirto sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, wuxuuna dhismaha xarunta wasaaradda ku tilmaamay guul isoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Yusuf  Xuseen Jimcaale, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku dadaallaan bixinta canshuurta, waxaa la dhisay waddooyin laami ah oo ay ku baxday Afar Milyan oo dollar oo ka timid mashruuca dalkaaga dhiso waa hantidada dadka Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mid ka mid ah Lixdii tiir ee ay ku dhisneyd dowladdiisa uu yahay horumarka iyo dib u habeynta siyaasadda Maaliyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay nidaamka Tiknoolajiyadda Maaliyaddeed ee dunida ay ku shaqeyso, waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay soo gabogabeysay tijaabadii uu caalamka geliyey oo haddii ay dhammaato dalka laga cafin doono lacago deymo ah oo gaaraya Shan Bilyan oo dollar.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  mar kale ugu baaqay shacabkiisa in ay isku tashadaan oo ay u midoobaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen.

 

IMG_0003 IMG_0011 IMG_0012 IMG_0013 IMG_0014 IMG_0016 IMG_0021 IMG_0081 IMG_0083 IMG_0084 IMG_0085 IMG_0140

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro

Next Post
Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro

Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA+Sawirro

Somalia–South Sudan Foreign Ministers Hold Bilateral Talks

Somalia–South Sudan Foreign Ministers Hold Bilateral Talks

February 12, 2026
0

On the margins of the 48th African Union Executive Council meeting, the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of...

Somalia-Nigeria Strengthen Bilateral Engagement

Somalia-Nigeria Strengthen Bilateral Engagement

February 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali, held a bilateral...

Somalia and Sierra Leone Deepen Diplomatic Coordination at the AU

Somalia and Sierra Leone Deepen Diplomatic Coordination at the AU

February 12, 2026
0

On the margins of the 48th Ordinary Session of the African Union Executive Council, the Minister of Foreign Affairs and...

Somalia Meets UN Special Envoy for the Horn of Africa on the Sidelines of the African Union

Somalia Meets UN Special Envoy for the Horn of Africa on the Sidelines of the African Union

February 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali, held a bilateral...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In