Madaxweynaha Pakistan, Maamnun Xuseen ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Cusub ee Somalia u fariisan doonta Dalkaas, Khadiija Maxamed Al-makhsuumi oo horay u ahayd danjiraha Somalia ee dalka Ciraaq.
Danjiraha Soomaaliya ee Pakistan ayaa Qaabilaaddeeda si wanaagsan loo maamuusay, iyadoo loo garaacay Astaanta Qaran ee Somalia, isla markaana cutubyo ciidanka dalka Pakistan ka tirsan ka qaadatay salaan-sharaf.
Khadiija Maxameed Al-makhsuumi, ayaa safiir kasoo noqotay Dalka Ciraaq iyadoo ahayd danjirihi ugu horreysay ee Soomaaliya u Magacawday dalka Ciraaq tan iyo burburkii dalkeena Soomaaliya.
Dalka Pakistan, waxaa wax-ka-barta kumannaan arday Soomaali ah oo halkaas Jaamacado kala duwan ka dhigta waana waddan sidoo kale Soomaaliya uu xariir dhanka ganacsiga ah kala dhexeeyo.
Ugu dambeyn Danjire, Khadiija Al-Makhsuumi, ayaa noqotay danjirihii ugu horreysay oo ay Soomaaliya u magacowdo Pakistan wixii ka dambeeyay burburkii Soomaaliya, isla markaana sidan oo kale loo maamuso.