Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ka hor inta uusan Madaxweynuhu ka qeyb gelin munaasibad balaaran oo loo qabtay daahfurida mashruucaas ayuu kullan xog waraysi ah Xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha wadanka Norway ee Soomaaliya Mr.Patter Holtedahl, kullankaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta mashaariicda ee dawladda Norway ka fuliso Puntland iyo sidii ay NGO -yada wadanka Norway ee ka howlgala Puntland loo dardar gelin lahaa islamar ahaantaana loo kordhin lahaa.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaa Gobolka intiisa kale sidii laysaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada, xoojinta amniga iyo kobcinta dhaqalaaha.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026

Madaxweynaha ayaa islamaanta gelinkii hore ka hor intaanu ka qeyb gelin xafladii daahfurka wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo sidookale Danjiraha Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke.

Kullanka kadib ayaa Madaxweynaha iyo danjirayaashu ay si wadajir ah hoolka Wasaarada Caafimaadka ee Dawladda Puntland ugu fureen Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Xafladda lagu daahfurayey Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland , Isimo, Waxgarad, Aqoonyahano, Maamulka Gobolka Nugaal , Maamulka Degmada Garoowe, masuuliyiin ka socday Hay’adda wadooyinka Puntland iyo marti sharaf  kale.

” Wadadaan waa mida keliya ee isku kaaya xiraysa anaga iyo inbadan oo Soomaaliya kamid ah, mashaariicda hada aanu dalka ka wadno oo hirgelaya ayuuna kamid yahay ” Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in mashruucaan faa’iido weyn ugu jiro shacabka reer Puntland, waxaana ku baxaya dhaqaale dhan 21-million, 18-million oo kamid ah lacagtaas waxaa bixinaya midowga yurub halka 3-million oo kalana ay bixinayso Dawladda Jarmalka, waxaana fulinaya mashruucaan Hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka GIZ.

” Hadaanu rabno in aanu xooga saarno wax soo saarkayaga sida maalgashiga dhanka xoolaha, maalgashiga dhanka beeraha, Kalluumaysiga waxaasi ma hirgelayaan mana soconayaan hadaan la helin kaabayaasha dhaqaalaha isku xiri lahaa ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

” Saaxiibadayada caadaystay oo afmiishaarnimo darbiyada la fadhiya dawladda yaysan ku mashquuline haku mashquulaan wax soo saar, horumar iyo dawladnimo ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ambassadorka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke ayaa dhankiisa balan qaaday in dawladda Jarmalka ay sii laba jibaarayso mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan gudaha Puntland.

” Midowga yurub iyo Dawladda Jarmalka waa saaxiibada Dawladda Puntland ” Ayuu hadalka ku soo gebagebeeyey Danjiraha Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke oo markii ugu horaysay Puntland booqasho ku yimi.

Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’urso ayaa isna dhankiisa sheegay in Midowga yurub ay ka go’antahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Puntland, mashruucaana uu sidii loogu talagay u fulayo.

—DHAMMAAD—

IMG_9633 IMG_9640 IMG_9646 IMG_9699 IMG_9705 IMG_9707 IMG_9709 IMG_9710 IMG_9711 IMG_9716 IMG_9721 IMG_9722 IMG_9728 IMG_9730 IMG_9731 IMG_9733 IMG_9734 IMG_9740 IMG_9741 IMG_9747 IMG_9752 IMG_9757 IMG_9761 IMG_9763 IMG_9764 IMG_9771 IMG_9774 IMG_9777 IMG_9783 IMG_9784 IMG_9787 IMG_9789 IMG_9800 IMG_9802 IMG_9807 IMG_9810 IMG_9821 IMG_9831 IMG_9836 IMG_9848 IMG_9859 IMG_9873

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya”SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe Kula Kulmay Nicholas Kay ”SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe Kula Kulmay Nicholas Kay ”SAWIRRO”

Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garowe Kula Kulmay Nicholas Kay ”SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In