Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe shir kula yeeshay Madax ka socotay Midowga Yurub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe shir kula yeeshay Madax ka socotay Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigan ka socday beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub waxaa qayb ka ahaa Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Safiirka Sweden u fadhiya dalkeena iyo xubno ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Wafdiga waxaa ku soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada Puntland Madaxwaynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Golaha Wasiirada.

Madaxda ka socotay Beesha Caalamka iyo Madaxwaynaha Puntland oo ay weheliyaan Wasiirada Warfaafinta, Arrimaha Gudaha iyo qorshaynta Puntland ayaa waxay yeesheen shir gaar ah oo ay albaabadu u xirnaayeen warbaahintuna dibad joog ka ahayd .

Shirka laba geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada Puntland, xaaladda guud ee dalka gaar ahaan habkii loo heli lahaa hanaan doorasho oo la isla wada ogolyahay iyo sidii ay Puntland qayb uga noqon lahayd shirka la doonayo in lagu dhammaystiro tabashooyinkii ka soo laabtay Heahiiskii 17kii September.

Imaanshaha wafdiga ka socday Beesha Caalamka ee Garoowe ayaa ku soo aadayo, iyadoo Muqdisho uu shir uga socdo Madaxda Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Golabeedyada dalka iyo Gobalka Banaadir ayna ka maqan yihiin Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxaana maanta markale War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Qaranka Madaxda Puntland iyo Jubbaland looga dalbaday inay ku soo biiraan shirka lagu go’aaminayo masiirka doorasho ee dalka.

 

Previous Post

Hogaamiyihii Mucaaradka Dalka Rwanda oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In