Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Womenโs Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.
Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa mudane Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladooda.
“Waxad wada ogtihiin kiiskii Caasho, ood markhaati ka tihiin inuu si hufan kusoo dhammaaday…Waxaan halkan uga baaqayaa iyadana maxkamadaha iyo cidda sharciga gacanta ku haysa kiis kasta oo kaa lamid ah inay waddo sharci ah oo cadaalad ah mariyaanโ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan kaloo u sheegayaa dadweynaha mararka qaarkood inaysan kahor dhicin maraaxisha maxkamaduhu maraan waxaad ogtihiin Caa’isha sidaas oo kalaa waxaa loo oran jiray, kiiskeeda waa la musuq maasuqay, waxaasaa dhacay, kanaa dhacay …. indhihiinnaad markhaanti uga ahaydeen, kuwa kale oo hadda socdana waxaan rajaynayaa in laga war sugo” Ayuu yiri Madaxwayne Siciid Cabdilahi Deni.
Hadalka Madaxwayanaha Puntland ee ku aadan hrlitaanka Cadaalada ee Gabdhaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo si wayn loo hadal hayo kiiskii Marxuumad Hodan shanlayste oo ahayd hooyo laysugu daray kufsi iyo dil balse kiiskeedi wali gacanta ju hayaan maxkanadaha Puntland.