Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa mudane Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Related posts

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026

Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladooda.

“Waxad wada ogtihiin kiiskii Caasho, ood markhaati ka tihiin inuu si hufan kusoo dhammaaday…Waxaan halkan uga baaqayaa iyadana maxkamadaha iyo cidda sharciga gacanta ku haysa kiis kasta oo kaa lamid ah inay waddo sharci ah oo cadaalad ah mariyaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan kaloo u sheegayaa dadweynaha mararka qaarkood inaysan kahor dhicin maraaxisha maxkamaduhu maraan waxaad ogtihiin Caa’isha sidaas oo kalaa waxaa loo oran jiray, kiiskeeda waa la musuq maasuqay, waxaasaa dhacay, kanaa dhacay …. indhihiinnaad markhaanti uga ahaydeen, kuwa kale oo hadda socdana waxaan rajaynayaa in laga war sugo” Ayuu yiri Madaxwayne Siciid Cabdilahi Deni.

Hadalka Madaxwayanaha Puntland ee ku aadan hrlitaanka Cadaalada ee Gabdhaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo si wayn loo hadal hayo kiiskii Marxuumad Hodan shanlayste oo ahayd hooyo laysugu daray kufsi iyo dil balse kiiskeedi wali gacanta ju hayaan maxkanadaha Puntland.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday xubin Al-shabaab ah.

Next Post

Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle oo gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Next Post
Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle oo gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle oo gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u magacaabay Golaha Wasiirrada cusub...

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goobaha dalxiiska ee duleedka Muqdisho

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha XFS Sulub Axmed...

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In