Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday xubin Al-shabaab ah.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 8, 2020
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday xubin Al-shabaab ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka oo Axad ah xukun adag ku riday eedeysane Muuse Maxamed Axmed oo loo heysto ka mid ahaanshiyaha maleeshiyadda   Al-Shabaab iyo inuu Al-Shabaab u farsameyn jiray qaraxyada nooca Bom F1, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka maxkamadda ayaa lagu sheegay in Muuse Maxamed Axmed oo wata Bom lagu dhex qariyay raashin nuuc dareeraha ka mid ah sanadkii hore ee 2019-kii  laga qabtay gudaha magaalada Marka, isagoo xilligaas u soo safrayey deegaanka Janaale.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sidoo kale 15-kii February ee sanadkan dalbaday mudeynta kiiska ka dhanka ah eedeysane Muuse  Maxamed Axmed, kaas oo markale dib loo dhageystay 24-kii February sanadkaan aynu ku guda jirno ee 2020-ka.

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda Soomaalya, wuxuuna tilmaamay in xukunsanaha uu haysto fursad kale oo uu xukunka uga qaadan karo rafcaan, kadib muddo 30-cisha ah.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Sahanka ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In