Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowlad Goboleedka iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Haβunaxariistee Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay Kismaayo.
βAlle haβunaxariisto Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay maanta Kismaayo, wuxuu ahaa Shiikhu nin wakhti badan geliyay dacwada, muxaadarooyinka iyo in marwalba Bulshadeena la xasuusiyo ku dhaqanka diinta.
Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Culimaaβudiinka, ehelkii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday, isagana waxaan alle uga baryayaa inuu janadii geeyo, dadkii kale ee weerarkaasi ku dhaawacmayna alle ha u booga dhayo. Aamiin.β Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.












