Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay danjiraha Turkiga-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay danjiraha Turkiga-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Kulankan oo kadhacay xarunta safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa madaxweynaha iyo danjire Oglan Bekar kaga wadahadleen arrimo la xiriira xoojinta iyo sidii qeyb ugu yeelan lahaayeen mashaariicda Dawladda Turkiga ay ka wado Soomaaliya.

Related posts

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa danjiraha Dawladda Turkiga uga xog waramay xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu tibaaxay inay muhiim tahay in laga arrinsado sidii looga wadda qayb qaadan lahaa Gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu sameeyeen, geesta kale madaxweynaha ayaa kala hadlay safiirka mashaariicaha horumarineed ee ay Dawladda Turkigu ka filiso Puntland iyo sidii loo sii horumarinlahaa loona dardar gelin lahaa.

Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Oglan Bekar ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin horumarinta iyo xoojinta xidhiidhka labadda Dhinac.

Dhinaca kale Mr. Oglan Bekar  ayaa cadeeyey inay Gacan ka gaysan doonaan gurmadka abaareed ee lagu caawinayo dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland, sidoo kale danjiraha ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin horumarinta mashaaricaha horumarineed ee Dawladda Turkigu ka fuliyaan deegaanada maamulka  Puntland.

Ugu danbayn, madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan sidii dawladda Puntland iyo shacabkeedu beesha caalanka ula yeelan lahaayeen xidhiidh suurto geliya horumarinta danaha shacabka iyo kan dawladda.

IMG_1034 IMG_1056 IMG_1058 IMG_1061 IMG_1068 IMG_1072 IMG_1097 IMG_1109 IMG_1115

Previous Post

Baarlamaanka oo soo saaray lacagaha laga doonayo musharaxiinta

Next Post

Xaalad abaareed iyo biyo la’aan ayaa ka jira deegaano hoos yimaada magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Next Post
Xaalad abaareed iyo biyo la’aan ayaa ka jira deegaano hoos yimaada magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Xaalad abaareed iyo biyo la'aan ayaa ka jira deegaano hoos yimaada magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In