Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Qaramada Midoobay door weyn ayay ku leedahay dib u soo kabashada Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inay sii waddo taageerada ay inoo fidiso’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Qaramada Midoobay door weyn ayay ku leedahay dib u soo kabashada Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inay sii waddo taageerada ay inoo fidiso’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha: “Qaramada Midoobay door weyn ayay ku leedahay dib u soo kabashada Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inay sii waddo taageerada ay inoo fidiso’’

Muqdisho, 3 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Madaxweynaha ayaa Danjire Feltman uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid dalka, oo uu tilmaamey inay muhiim u tahay Soomaaliya oo qaadeysa talaabooyin taariikhi ah oo dhinaca siyaasadda iyo dib u qaabeynta mustaqbalka waddanka la xiriira.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay si tartiib ah u soo kabaneyso, taasina ay ku timid wadashaqeynta iyo wadaxaajoodyada muhiimka ee dhexmaraya Soomaalida.

“Wax badan ayaa inoo qabsoomay, wax baddan way inoo dhiman yihiin. Waxaan xoogga saarnay saddex ajenda oo laf-dhabar u ah dib u dhiska Soomaaliya. Waxaana saddexdaasi arrimood ay kala yihiin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, arrimaha amniga oo Golaha Nabadgelyada Qaranka oo aan ku soo darney maamullada dalka ka jira iyo qeybsiga kheyraadka. Dhanka kale aad baan uga mahad celinayaa Qaramada Midoobay oo door weyn ku leh dib u soo kabashada dalkeena, anigoo rajeynayaa inay sii waddo taageerada ay inoo fidiso’’’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka warbixiyey baahida loo qabo isku dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida Al Shabaab.

Danjire Feltman, ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaanay go’aankii dhowaan ay qaateen ee meel marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan, isagoo sheegay inay tallaabadaasi ay taageereen, si weyna ay u soo dhoweeyeen dalalka gobolka, caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wadahadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul bishan February dhammaadkeeda ee ay isugu imanayaan Soomaaliya iyo waddamada iskaashiga la leh, shirka ka dhacaya magaalada Djibouti ee ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa maalgashi sahlaya fursado shaqo.

Danjire Feltman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u taageereyso Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaalida ugu baaqey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dib u soo kabashada dalkooda, kana faa’iideystaan taageerada beesha caalamka.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

————-DHAMMAAD—————–

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Kuxigeenka Q.M

Next Post

Madax ka kala socotay Wasaaradaha arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Khartuum”Sawirro”

Next Post
Madax ka kala socotay Wasaaradaha arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Khartuum”Sawirro”

Madax ka kala socotay Wasaaradaha arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Khartuum"Sawirro"

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In