Sunday, August 14, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’ Siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska’’+Sawirro

July 30, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’ Siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska’’+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 30 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Kenya u fadhin doona Soomaaliya, Maj General (Rtd) Lucas Kyonze Tumbo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo abuurista jawi saaxiibtinimo, derisnimo wanaag iyo iskaashi dhan kasta leh oo dan u ah shacabka labada waddan.

Related posts

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022

‘’Siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska.Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa Kenya qaxooti ahaan iyo ganacsiba u tegay, waxayna taasi muujineysaa sida labada shacab ay mar walba isugu baahan yihiin. Waana ka mahad celineynaa sida Kenya ay inoo garab taagan tahay mar kasta’’.

Danjiraha Kenya Mr Tumbo, ayaa isna sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dowladdiisa ay Soomaaliya u arkaan saaxiib muhiim oo siyaasadda iyo amniga gobolka door weyn ka qaadan karta, sidaa darteedna ay diyaar u yihiin iskaashi iyo wax wada qabsi waxtar leh.

“Kenya waxay mar walba u taagan tahay inay Soomaaliya gacan siiso ha noqoto dhinacyada amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga, iskaashiga dhaqaale iyo wax walba oo dan u ah labada shacab’’, ayuu yiri Danjire Lucas Kyonze Tumbo.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey labada dal.

-DHAMMAAD-

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4)

Previous Post

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qaabilay taliyaha booliska gobolka Minisote

Next Post

Xaflad lagu taageerayay dhismaha maamulka Galmudug oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post
Xaflad lagu taageerayay dhismaha maamulka Galmudug oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Xaflad lagu taageerayay dhismaha maamulka Galmudug oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
0

Ra’iisul Wasaaradah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda...

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane...

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

August 13, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha...

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

August 13, 2022
0

Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In