Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Nayroobi uga qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee Isbadalka Cimilada

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo Nayroobi uga qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee Isbadalka Cimilada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Related posts

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

January 18, 2026
Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026

Dadka Soomaaliyeed oo ku howllan in ay iska u dulqaadaan argagixisada caqabadda ku ah noloshooda ayaa haddana waxay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, taas oo xoojinaysa in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu xoojiyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.




Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyay daah furka Mabaadii’da Nabada ee Soomaaliya

Next Post

Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Next Post
Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

January 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi rasmi ah u diraysaa geerida Marxuum Danjire...

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay maydadka tiro ka mid ah Khawaarijta iyo hub fara badan oo...

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Shacabka gobollada dhexe oo rajo ka muujiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, hambalyeeyayna hoggaankiisa cusub

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabka ku nool gobollada Hiiraan, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa ka hadlay sida ay u soo dhaweynayaan dhismaha Maamulka Waqooyi...

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In