Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
DAAWO-Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, qaar kamid ah siihayayaasha xilalka Wasiirada Soomaaliya, xubno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Madaxda Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Goobta lagu saxiixay heshiiskan oo aheyd Dugsiga Xamar Jajab ayaa waxaa sidoo kale joogay maamulka Dugsiga iyo Boqolaal Carruur ah oo Dugsigaasi wax ka barata, markii Madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Dugsiga lagu saxiixay heshiiska caalamigga ah ee dhowrista xuquuqda Carruurta ayaa waxaa Anaashiid Carabi ah ku soo dhoweeyay qaar kamid ah arday Dugsiga Xamar Jajab.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Intaas ka dib Sii-hayaha xilka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaan Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay marxaladihii uu soo maray heshiiskan.

Madaxa Laanta waxbarashada carruurta Qaramada Midoobay Stephen Lauweier ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay saxiixa heshiiska Caalamigga ee dhowrista xuquuqda Carruurta oo Soomaaliya ay kamid noqonayso wadamada saxiixay heshiiskan isagoo sidoo kale sheegay in hergelinta heshiiska dowladda Soomaaliya Qaramada Midoobay gacan ka siin doonto.

Sidoo kale Wakiil gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Nickolas Kay oo hadal dheer ka jeediyay goobta ayaa sheegay in Soomaaliya ka soo kabanayso dhibaatooyinka soo maray isla markaana mustaqbalka Dalka uu ifayo
Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qalinka ku doogay heshiiskan ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay ahmiyadda heshiiskan uu u leeyahay carruurta Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa dhiiradda ku saarayay sida da’yarta ay muhiim ugu tahay dib u dhiska dalka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskan waxaana uu balan qaaday in carruurta ay heli doonaan xuquu siman.

13-kii bishii December ee sanadkii tagay 2014-ka ayaa Barlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay heshiiskan caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda carruurta waxaana Soomaaliya ay kamid tahay in ka badan 190 dal oo aqoonsan heshiiskan.

Previous Post

Musharax Maxamed Cilmi “Waxaan xoogga saarayaa ka shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe”

Next Post

Xuska dhalashada Nabigeenna oo lagu qabtay degmada Warta Nabadda “SAWIRRO”

Next Post
Xuska dhalashada Nabigeenna oo lagu qabtay degmada Warta Nabadda “SAWIRRO”

Xuska dhalashada Nabigeenna oo lagu qabtay degmada Warta Nabadda "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In