Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharax Maxamed Cilmi “Waxaan xoogga saarayaa ka shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Musharax Maxamed Cilmi “Waxaan xoogga saarayaa ka shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimadda goboladda dhexe ee dalka gaar ahaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta.

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo sitay boorar ay ku taageerayaan musharaxa ayaa meel magaalada Xeraale u jirta 2KM, ku soo dhaweeyay, waxaana wafdiga Maxamed Cilmi Afrax soo dhaweynta kaddib la geeyay xarunta maamulka Xeraale.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulan lagu qabtay xarunta maamulka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee halkaasi ku nool, waxaana dadkii goobta hadal ka jeediyay ay tilmaameen in Maxamed Cilmi Afrax Mideeye ay si wanaagsan u yaqaaniin, maadaama isaga oo Hay’adda ICRC Madax ka ah uu wax badan u qabtay bulshada ku nool gobolka Galgaduud, iminka ay soo dhaweynayaan in uu isu soo taago qabashada xilka Madaxtinimo ee maamulka Gobollada Dhexe.

Guddoomiye ku-xigeenka deegaanka Xeraale Mustaf Sheekh oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka reer Xeraale ay taageersanyihiin musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye”, isagoo ku tilmaamay in uu yahay shaqsi wax badan u soo qabtay bulshada Gobollada dhexe.

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo xafladda lagu soo dhaweynayay hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu mahadceliyay maamulka iyo shacabka ku nool deegaanka Xeraale, sida diiran ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu u balan qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka uu u taaganyahay in uu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada Gobollada dhexe, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii uu dib u heshiisiin dhab ah u dhex dhigi shacabka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horey madax uga soo noqday Hay’adda ICRC ayaa ku guuleystay in uu ceelal iyo mashaariic kale ka hirgeliyo deegaannada Gobolada Mudug iyo Galgaduud, isla markaana uu iminka diyaar u yahay in uu wax badan u qabto bulshada halkaasi ku nool.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo 20.01.2014

Next Post

DAAWO-Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta

Next Post
DAAWO-Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta

DAAWO-Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In