Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Isbitaalka De Martino “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Isbitaalka De Martino “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray Isbitaalka De Martino ee ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ku yaalla degmada X/weyne ee gobolka Banaadir.
Isbitaalka De Martiino, waxaa la dhisay 1910-kii, hal qarni ka badan ayuu jiraa, waxaa lagu daweyn jiray Ciidammada Qalabka Sida Naafadooda.
Isbitaalka waxa la dhisay hadda qeyb ka mid ah oo si casri ah loo qalabbeeyey, qeybta bukaan socod eegtada iyo qeybaha kale ee uu leeyahay Isbitaal Casri ah, dhismahan waxaa soo abaabushay hey’adda houmarinta haweenka ee Iida  oo gacan ka heleysa hey’ado kale iyo dowladda Talyaaniga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka De Martiino oo ku yaalla degmada X/weyne, madaxwyenuhu waxa uu soo kormeerray qeybahaasi cusub oo si simman ugu adeeggi doonna shacabka Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida guu ahaan.
Munaasabadda Furitaanka, madaxweynaha, Wasiirka Difaaca, wasiir ku xigeenka Caafmaadka, taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida oo dhan, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, hoggaanka caafmaadka ee Xoogga dalka, madaxda hey’adda Iida iyo hey’adaha kale ee gacanta ka heystay Isbitaalka.
 Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiir ku xigeenka Caafmaadka, ayaa labaduba sheegay in guul weyn ay tahay in dowladdu ay taageerto mashruucaan ay dad Soomaaliyeed ku dhiseen Isbitaalkii Ciidanka Naafada haddaba bulshada dhan u adeeggi doono.
Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Aadan Axmed, ayaa maamulka Isbitaalka kula dardaarmay in ahmiyadda koobaad ay siiyaan Naafada Xoogga dalka ee mudada dheer soo hayey Isbitaalkan.
Wasiirka Gaanshigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo wada istaagi sidii bulshadu isugu tashan lahayd, waxa uu si weyn ugu mahadceliyey ciidanka Naafadda Xoogga dalka oo la’aantood aan la gaari lahayd horumarka uu sameeyey Isbitaalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey ciidammada  hey’adda Iida, hey’adihii gacan siiyey iyo dowladda Talyaaniga, sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in muhiim ay tahay isku tashiga bulshada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xusay in uu sidiisa u taagnaanayo magaca Isbitaalka ee De Martiino, maadaama uu ka mid yahay Taariikhda dalka uu leeyahay ee muddo dheer soo jirtay.
Isbitaalka, hadda waxa uu u adeeggayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana  mid ka mid ah guulaha Soomaaliya ay gaartay afartii sanno ee la soo dhaafey, dhinaca caafmaadka iyo dib u dhiska qeybaha Isbitaallada dalka, gaar ahaan caasimadda, hey’adda Iida, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh guddoonsiisay Billad ay ku xushmeyneyso ee  taageeriddii Isbitaalka.
IB0A5828 IB0A5889 IB0A5727IB0A5727IB0A5732IB0A5735IB0A5742IB0A5749IB0A5753IB0A5755IB0A5768IB0A5774IB0A5785IB0A5786IB0A5792IB0A5802IB0A5814IB0A5815IB0A5824IB0A5826IB0A5828IB0A5838IB0A5846IB0A5862IB0A5863IB0A5871IB0A5903IB0A5909IB0A5912IB0A5964IB0A5969IB0A5996IB0A5998IB0A6000IB0A6001IB0A6011IB0A6017IB0A6019IB0A6028IB0A6040IB0A6048IB0A6052IB0A6054IB0A6061IB0A6064IB0A6066
Previous Post

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhaxe oo deeq gaarsiiyey Isbitaalka Degmada Mahadaay.

Next Post

Ciidanka Qaybta 21-aad iyo ciidanka AMISOM ayaa isku diyaarinaya hawlgal ka dhan ah kooxda Shabaab.

Next Post
Ciidanka Qaybta 21-aad iyo ciidanka AMISOM ayaa isku diyaarinaya hawlgal ka dhan ah kooxda Shabaab.

Ciidanka Qaybta 21-aad iyo ciidanka AMISOM ayaa isku diyaarinaya hawlgal ka dhan ah kooxda Shabaab.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In