Magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan ayaa lagu qabtay munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay dhalinyaro Soomaali ah oo Leyli Saraakiil ah.
Waxaa ka qeybgalay munaasabadaasi madaxweynaah Dalka Suudaan Cumar Xasan Albshiir,kumanaan Soomaalida ku nool Dalkaasi Suudaan iyo madax kale.
Saraakiisha dhalinyarada ah ayaa dalka Sudan wax ku baranayay muddo ku siman 2 sano,iyagoo bartay sharciga iyo Qaanuunka.
Cumar Xasan Axmed oo ka mid ah saraakiishaasi tababarka loo soo xiray ayaa galay kaalinta koowaad ee mudadii uu socday tababarkaasi, iyadoo madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir uu billad sharaf guddoonsiyay guuleystaha kaalinta koowaad galay ee Omar Hassan Ahmed.
Wuxuu Cumar Xasan Axmed hormuud ka ahaa salaan sharaftii halkaasi lagu siiyay madaxweyne Cumar Xasan Albshiir, iyadoo uu madaxweynuhu ku amaanay dhalinyaradaasi xirfadaha ay barteen, iyo tayadooda wanaagsan.
Tababarka dadka la siinayay ayaa isugu jiray Soomaali, Suudaan, iyo Urdun, iyadoo uu Cumar Xasan Axmed kaalinta koowaad ka galay
Waxaa la filayaa in ay dhawaan dalka dib ugu soo laabtaan, si ay u gutaan waajibaadkoodi Qaran ee ah in ay u adeegaan Shacabkooda.