Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay naftooda u hureen dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya’’+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay naftooda u hureen dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya’’+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray madaxda iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, munaasabadda sannadguuradii 5-aad ee ka soo wareegtay dib u hawlgelinta televishanka qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

“Muddo aad u gaaban oo shan sanno ah ayaa televishanka qaranka markii dib loo hawlgeliyey waxaa uu qabtey hawlo badan. Horumarka SNTV waa mid muuqda, waxaana taa uga mahad celinayaa madaxda, shaqaalaha iyo weriyeyaasha SNTV oo dhab ahaantii muujiyey dadaal dheeri ah iyo waddaninimo’’.

Related posts

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in weriyeyaasha Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin kuwa SNTV ay xaalado adag ku soo shaqeynayeen, isla markaana ay naftooda halis u geliyeen nabadda iyo horumarka dalka.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen weriyeyaashii idaacadda qaranka iyo kuwa idaacadaha maxalliga ee naftooda ku waayey intii ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo. Waxan Ilaahay uga baryayaa naxariistii inuu janno ka waraabiyo. Ujeeddada argagixisada waxaa weeyaan inay aamusiiyaan shacabka, taasina waxaa si geesinimo leh u diiday weriyeyaasha’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in qiimaha weriyaha Soomaaliga uu ku fadhiyo aaney jirin wax loo dhigo, ayna waddanka ku leeyihiin abaal aad u weyn, cid walbana ay ka marqaati kacayso waxqabadkooda san.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaan u jeediyay qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta, sida Raadiyaha. SNTV, wakaaladda wararka SONNA, wax soo saarka barnaamijyada iyo kuwa kaleba horumarka ay gaareen dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay Wasiirka Warfaafinta , Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka warbixiyey horumarka la gaarey iyo qorshaha mustaqbalka ee wasaaradda.

Televishanka qaranka ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysey la aasaasay sannadkii 1983-kii, hase yeeshee waxaa hawlihiisa ay joogsadeen 1991-kii. Waxaa uu Tv-ga dib u hawlgaley sannadkii 2011, kadib dadaal ay sameeyeen wasaaradda warfaafinta iyo shaqaalaheeda.

2 63 4 5 6 7 8 unnamed

Previous Post

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal

Next Post

Dowladda Nigeria oo qabatay horjoogaha koox xiriir la leh Al-qaacidda

Next Post
Dowladda Nigeria oo qabatay horjoogaha koox xiriir la leh Al-qaacidda

Dowladda Nigeria oo qabatay horjoogaha koox xiriir la leh Al-qaacidda

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In