Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa in sharciga fursad la siiyaa, nidaamka garsoorkana la xushmeeyaa “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Waa in sharciga fursad la siiyaa, nidaamka garsoorkana la xushmeeyaa “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley magaalada Muqdisho kaga qeybgaley xaflad si weyn loo soo agaasimey oo lagu xusayey sannadguuradii 72-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ay horkacayeen dhalinyaro Soomaali ah.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey xafladda ayaa sheegay dhalinyarada ay udub dhexaad u yihiin hirgelinta qorshaha muhiimka ee horyaalla dalka sida amniga, siyaasadda, iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha.

Related posts

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026

Waxaa uu si gaar ah uga hadley muhimadda ay leedahay in la dhowro sharciga.

‘’Muhimadda koowaad ee dowladda waa sugidda amniga, si taasi loo gaarana waxaa lagama maarmaan ah inaan dhowrno sharciga. Waxaa mararka qaar dhacda in dad lagu tuhunsan yahay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin ama dembiyo kale galeen, ay ka soo daba tagaan dad mas’uuliyiin ah, taasina sax ma ahan. Waa in sharciga fursad la siiyaa, nidaamka garsoorka ee inaga dhexeeyana la xishmeeyaa. Ciidammada, waxaa iyaguna saaran inay sharciga dhowraan oo aaney wax sharciga ka baxsan ku dhaqaaqin, isla markaana ay ogaadaan in isla xisaabtan uu jiro’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa kale oo uu Madaxweynaha uga digey dhalinyarada inaaney raacin kuwa marin habowsan ee nabadda ka soo horjeeda, isla markaana ay gacan ka geystaan dib u dhiska iyo sugidda amniga dalka.

“Horumarka aan sameyneyno waxaa hortaagan kooxda cadowga ah ee Al Shabaab, dhibaatada ugu weyn waxay ku dhacaysaa waa dhalinyarada. Waxaa waajib idin ka saaran inaad qeyb ka qaadataan sidii looga hortegi lahaa kooxdaasi iyo fikradaheeda qaldan. Dowladda weli way soo dhoweyneysaa kuwa nabadda wax ku doonaya ee diyaarka u ah inay dagaalka iyo rabshadaha isaga haraan, waana sii wadeynaa mar walba inaan nabad wax ku raadino’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in xoogga la saaro wax soo saarka gudaha si loo xaqiijiyo dib u soo kabasho dhaqaale oo sax ah, isla markaana ummadi aaney ku hormari karin in dibedda laga quudiyo”.

Xafladda waxaa kale oo ka soo qeybgaley, khudbadna ka jeediyey Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.
Xafladda ka hor Madaxweynaha waxaa uu garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir kaga qeybgaley daawashada ciyaar lagu xusayey maalinta dhalinyarada, isagoo halkaasina koob ku guddoonsiiyey Kooxda Jeenyo oo cayaartii halkaasi ka dhacdey uga adkaatey kooxda Elman.

—DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Ogeysiis:- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadanaya Arday Ka Baxday Dugisyada Sare

Next Post
Ogeysiis:- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadanaya Arday Ka Baxday Dugisyada Sare

Ogeysiis:- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadanaya Arday Ka Baxday Dugisyada Sare

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

July 11, 2026
0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay fal argagixiso oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay qorsheynayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In