Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Xiriirka iskaashi ee inagala dhexeeya Jarmalka waxaa u gacan weyn ka geysan karaa dib u dhiska Soomaaliya’’ “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Xiriirka iskaashi ee inagala dhexeeya Jarmalka waxaa u gacan weyn ka geysan karaa dib u dhiska Soomaaliya’’ “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 3 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Jutta Gisela Frasch.

Danjire Frasch ayaa warqadaha aqoonsiga ka sokow, waxay Madaxweynaha soo gaarsiisay dhambaal qoraal ah oo ay ka sidday Ra’iisul Wasaare Angela D. Merkel.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo Danjire Frasch uga waramey xaaladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada waddan ka iska kaashan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha Jarmalka u sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay maalgashi si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, dhanka kalena uu doonayo in la soo nooleeyo barnaamijyadii mihnadaha ee Jarmalka uu Soomaaliya ka taageeri jiray si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada.

Danjire Frasch, ayaa iyana sheegtay in dalka Soomaaliya uu muhiim u yahay caalamka, iyadoo sidoo kalena soo dhoweysey horumarka dhanka siyaasadda ee dhowaan Soomaaliya ay ku tallaabsatey markii la meel mariyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

Waxay Danjire Frasch sheegtay in Jarmalka gacan ka geysan doono taageerada dhismaha booliska, xarumo lagu tababaro dhalinyarada dhaqan-celinta lagu sameynayo ee ka soo goosta Al Shabaab, iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ee sahlaya dib u soo noqoshada qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee waddamada deriska ah.

Sidoo kale Jarmalka ayaa dib u fasaxayaa malaayiin dollar oo horay loogu deeqay Soomaaliya burburka ka hor, lacagtaas oo haatan loo adeegsan doono horumarinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono gobollada Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale ka wadahadley sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo kuwa kale aasaasiga u ah dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya kala dhexeeya Jarmalka uu gacan weyn ka geysan karo dib u dhiska waddanka.

————-DHAMMAAD—————–

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Madax ka kala socotay Wasaaradaha arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Khartuum”Sawirro”

Next Post

Dhibaatooyinka dhanka nolasha ah oo heysata qaxootiga Dhadhaab

Next Post
Kenya oo dalbatay in Qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu celiyo dalkooda

Dhibaatooyinka dhanka nolasha ah oo heysata qaxootiga Dhadhaab

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In