Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xariga ka jaray Akadeemiye-goboleedka Afka Soomaaliga

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xariga ka jaray Akadeemiye-goboleedka Afka Soomaaliga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaci Cumar Geelle ayaa xarigga ka jaray Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga oo xarunteeda laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladda Jabuuti hirgelinta Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga si jiilasha soo socda loogu keydiyo dhaqanka iyo taariikhda umaddooda Soomaaliyeed, laguna sii horumariyo afkeenna Soomaaliga ah.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

July 22, 2026
Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

July 22, 2026

“Af Soomaaligu waa xabagta isu haysa ummadda Soomaaliyeed. Waa diiwaanka keliya ee xanbaarsan dhaqanka, taariikhda iyo aqoonta dhaxalka ahee facba faca kale u soo gudbinayay. Waa summadda iyo baadisoocda aan kaga duwannahay quruumaha kale ee caalamka ku nool.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama maanta la hayo saldhiggii hagi lahaa suugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay faa’iidada ballaaran ee ugu jirta dhammaan dadka Soomaaliyeed hirgelinta akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga, waxa uuna tilmaamay dadaalka dowladdiisu ay ku bixisay dhismaheeda, maadaama ay xuddun u tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Mudane Aadam Barre Ducaale, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

July 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya...

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

Baarlamaanka Turkiga oo meel marinaya in howlgalka Milatari ee Soomaaliya lagu kordhiyo labo sano

July 22, 2026
0

Go’aanka Madaxweynaha dalka Turkiye mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ah si loo kordhiyo howlgalkii Ciidamada Difaaca Turkiga ee Soomaaliya muddo...

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In