Thursday, February 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Erdogan oo la filayo in uu maanta soo bandhigo qorshe lagu adkeynayo ammaanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Erdogan oo la filayo in uu maanta soo bandhigo qorshe lagu adkeynayo ammaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

February 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta la filayaa in uu soo bandhigo qorshe uu doonayo in uu dalka ku xasiliyo marka uu kulan deg deg ah la yeesho golahiisa amniga. Tan iyo markii uu fashilmay inqilaab milatari oo la doonayay in dowladdiisa lagu rido ayaa waxaa la soo qab-qabtay ama shaqada laga saarayba 50 kun oo qof oo isugu jiro laamaha ammaanka, iyo shaqaalaha rayidka ee dowladda.

Turkey ayaa ka doonaya mareykanka in uu u soo gacan geliyo wadaadka lagu magaacaabo Gulen, arrintaasi oo madaxweyne Erdogan iyo dhiggiisa mareykanka Barack Obama ay taleefoon uga wada hadleen. Ilaa hadda 45,000 oo qof ayaa laga dhigay kuwo la qabqabtay, la eryey ama shaqada ay ka joojisay xukuumadda Turkiga tan iyo wixii ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee todobaadkii hore.

Welina waxaa sii kordhaya dadka loo arko inaysan daacadda u ahayn madaxweyne Racep Tayyip Erdogan, waxaana iminka lagu daray macallimiinta jaamacadaha iyo hormuudyada iyo warbaahinta. Xukuumaddu waxay sheegaysaa in uu afgambiga soo maleegay wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen oo isagu beeniyey eedeyntaas.

Turkigu wuxuu ku cadaadinayaa Maraykanka inay u soo dhoofiyaan wadaadka, arrintaasna waxaa la iskula soo qaaday wada hadal telefoonka ku dhex maray talaadadii labada madaxweyne, Obama iyo Erdogan. Afhayeenka aqalka cad, Josh Ernest wuxuu sheegay in goโ€™aanka ah in wadaadka la dhoofiyo iyo in kale uu ku salaysnaan doono heshiiska labada waddan u yaalla.

Aqalka gaashaandhigga ee pentagon ayaa isna sheegay in sidoo kale ay wadahadallo dhex mareen talaadadii xoghayaha difaaca ee Maraykanka Ash Carter iyo dhigiisa Turkiga,kuwaasoo ku saabsanaa arrinta saldhigga ciidanka circa ee Incirlik oo ku yaalla koofurta Turkiga. Saldhigga oo ay xulafada Maraykanku hogaaminayo u isticmaalaan weerarrada ay ku qaadaan kooxda dawladda islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa koronto laโ€™aan ahaa tan iyo markii inqilaabka la isku dayey.

Sidaasoo ay tahayna xukuumadda Turkigu waxay sii wadda inay gacan adag u adeegsato dadka ay u aragto iney ka soo horjeedaan.

Hayโ€™adda nidaamisa warbaahinta Turkiga ayaa iyana ruqsadda kala noqotay 24 idaacado iyo TVyo isugu jira, kuwaasoo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin Mr. Gulen. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo QM iyo beesha caalamka ay Turkiga ugu baaqayaan inuu kor yeelo isku xukunka sharciga iyo xuquuqul insaanka

Previous Post

Donald Trump oo si rasmi ah loogu doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga

Next Post

Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug

Next Post
Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug

Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

February 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga โ€œBaadigoobkii Nabadda Geeska Afrikaโ€,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

February 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

February 12, 2026
0

Maanta waxaa si rasmi ah looga daahfuray Magaaladda Nairobi Bandhigga Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya-Kenya iyo Qurbajoogta (Somalia-Kenya and Diaspora Trade Week),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In