Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib-u-curashada dawladnimada dalka”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib-u-curashada dawladnimada dalka”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.”

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

“Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooyinka wax ku oolka ah.

Previous Post

Gaadiidka sida xad dhaafka ah loo raro oo laga joojiyey Dekadda Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kun Dhallinyaro Soomaaliyeed ah u sameeyay Ballan Qaad Shaqo

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kun Dhallinyaro Soomaaliyeed ah u sameeyay Ballan Qaad Shaqo

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kun Dhallinyaro Soomaaliyeed ah u sameeyay Ballan Qaad Shaqo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Mudug,...

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In