Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda oo ka wada hadlay iskaashiga arrimaha amniga iyo dhaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
JOINT PRESS STATEMENT ON THE OCCASION OF THE OFFICIAL VISIT TO UGANDA BY H.E MOHAMED ABDULLAHI MOHAMED FARMAJO, PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Uganda,waxaana si weyn Madaxtooyada Uganda ee Entebbe ugu soo dhoweeyay dhiggiisa Yoweri Kaguta Museveni.

 

Related posts

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026

Soo dhoweyn diiran ka dib, labada Madaxweyne waxay wadahadal rasmi ah ku qaateen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka.

Madaxweynayaasha waxay xuseen in ay ku qanacsan yihiin saaxiibtinimada joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaasoo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan,waxayna arrimaha kale ee diirada ay saareen labada madaxweyne ka mid ah arrimaha iskaashiga gaar ahaan qeybaha NabadA iyo Amniga, Waxbarashada, Ganacsiga, iyo Maalgashiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warbixin kooban siiyay Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni. Wuxuu xusay in xaaladda nabad galyo ee Soomaaliya ay si weyn u soo hagaagtay,islamarkaana la wiiqay awoodii Alshabab ee Koonfurta.

Wuxuu ammaanay iskaashiga ku-meel-gaarka ah ee Difaaca iyo taageerada ay AMISOM ku kordhisay geeddi-socodka ku-meelgaarka ah. Waxa uu sheegay in horumarka wanaagsan laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eritariga, iyada oo loo marayo saxiixidda Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday wadashaqayntu iney fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda wadan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la siinayo goob istaraatiijiga ah.

Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay  Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee hubinta nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada gobolka.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ujeediyay mahad celin ballaaran martiqaad sharafeedka uu u sameeyay iyo mira dhalka wada xaajoodka ay yeesheen, wuxuuna ku boorriyay Wafdiga Soomaalida inay ku raaxeystaan quruxda Uganda ka hor intaanay tegin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa dhankiisa muujiyay mahad celin iyo qadarinta uu u hayo madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni,Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aadan soo dhoweynta diiran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdighiisa.

Previous Post

SONIC oo maamusha astaanta internetka ee Soomaaliya (dotSO) oo fursad u soo bandhigtay shirkadaha ka shaqeeya teknoolojiyada ee ka hawlgala dalka.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In