Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay shir ku saabsan aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay shir ku saabsan aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 13-aad ee aan caadiga ahayn ee Shirka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay fursadda dalkeenna ee hoggaaminta ganacsiga iyo waxsoosaarka Afrika.

Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay Khadka Internetka ayaa tilmaamay in tallaabo wanaagsan loo qaaday xaqiijinta hiigsiga Afrika ee mideynta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale, taas oo xoojinaysa nabadgelyada, xasilloonida iyo mustaqbalka Afrika.
“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka qalinka ku duugay hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay weheliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa boggaadiyay dadaallada madaxda Qaaradda Afrika ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika, waxa uuna muujiyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta qorshaha ganacsiga xorta ah.
“Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika waxa uu noqon doonaa fursadda ugu weyn ganacsiga xorta ah ee adduunka, iyadoo la heli doono suuq ka kooban 1.3 bilyan oo qof iyo fursado dhaqaale oo faa’iido leh”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Niger Mudane Mahamadou Issoufo oo hoggaaminaya ololaha hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika oo Soomaaliya ay door muuqda ka qaadanayso.
     
Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyey kullan looga diyaar garoobayo madasha Soomaaliya iyo Saaxiibadda Caamalka “sawirro”

Next Post

Warsaxaafadeed ku saabsan doorashada guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

Next Post
Warsaxaafadeed ku saabsan doorashada guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

Warsaxaafadeed ku saabsan doorashada guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In