Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka 4-aad ee gaarka ah Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 6, 2021
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka 4-aad ee gaarka ah Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga warbixiyey Shirkii Wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ku qabsoomay magaalada Samareeb ayaa ku bogaadiyey Labada Aqal ee Baarlamaanka sida ay uga qeyb qaateen in dalku aanu gelin firaaq-dastuuri ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixineyso hirgelinta doorashooyinka dalka, isaga oo dul istaagay sida ay uga go’an tahay Madaxda heer Federaal fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar ee ay gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayna ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

“Waxaan tanaasulka ka soo bilownay sharcigii doorashada ee ay Golahani meelmariyeen, ilaa shirka aan hadda ka soo laabannay ee Samareeb. Waxaana gaarsiiyey heer ay gacantooda ku soo qortaan heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, anigoo u arkayey in ay muhiim tahay midnimadeenna iyo wadajirkeenna si loo gaaro heshiis siyaasaddeed oo ka turjumaya hiigsiga shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay heshiiskii doorashada, kuwaas oo ka yimid maamulada Puntland iyo Jubbaland oo diiday dhaqan-gelinta qodobbadii ay horey u saxiixeen, taas oo muujisay sida ay uga caga-jiidayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

“Labo qodob oo kaliya ayaan u soo bandhigay markii aan ku guda jirnay Wadahadalladii Heshiiskii 17-kii Sebteembar, kuwaas oo kala ahaa in laga dhimo Haweenka Soomaaliyeed ee doonayo in ay ka mid noqdaan Labada Gole ee Baarlamaanka lacagta isdiiwaan gelinta iyo in ay doorashada maamulaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo aan u aragnay in ay dhexdhexaad ahaayeen, maadaama magacaabistoodu ay naga horreysay, labadaas qodobba waa la iga diiday, waana tanaasul kale oo aan u sameynay qabsooomidda doorashada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ay iswaansan doonaan oo u turi doonaan dalka iyo dadka Madaxda Dowlad-goboleedyada ee ka caga jiiday fulinta heshiisyadii doorashooyinka ee ay horey u ansixiyeen, isaga oo adkeeyey muhiimadda midnimadu iyo in loo tanaasulo danta guud.

Previous Post

Deegaanka Bacaadweyne oo maamul cusub loo magacaabay

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In