Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga sida ay u hanteen Hoggaaminta Howlgallada Amni ee Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga sida ay u hanteen Hoggaaminta Howlgallada Amni ee Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay, iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ay dib u hanteen hoggaaminta howl-gallada amni ee Dalka, arrinkaas oo ka markhaati kacaya miro-dhalka qorsheyaasha Dowladda ee dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida  iyo sida ay maanta ugu diyaarsan yihiin difaaca iyo xoreynta Dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka war-bixiyey tayada iyo awoodda ay ugu diyaarsanyihiin in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hoggaamiyo hawlgallada wada-jirka ah ee lagu la dagaallamayo Cadawga Argaggixisada ah iyo cid kasta oo khalkhal galisa nabadda iyo xasilloonida Dalka.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay u wajaheen ugana adkaadeen isku daygii fashilmay ee ay Argaggixisadu dhawaan ku weerartay deegaannada Bariire iyo Awdheegle, taas oo muujisay tayada iyo diyaargarowga buuxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed  ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey walaalaha AMISOM dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Prof. Maxamed Cabdi Gaandi

Next Post

144 Nigerian police officers arrive to support the Somali Police Force

Next Post
144 Nigerian police officers arrive to support the Somali Police Force

144 Nigerian police officers arrive to support the Somali Police Force

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In