Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyey dhaawacyo loo qaaday dalka Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyey dhaawacyo loo qaaday dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku laayeen shacabkii birmageydada ahaa ee isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Muwaadiniintan ayaa ku naafoobay dhagarta ay soo maleegeen argagixisadu.

Related posts

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

July 28, 2026
Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaateeyeen argagixisadu oo ay ka burburiyeen guryahooda iyo hantidooda, ayna laayeen ubadkooda iyo waalidiintooda.

Previous Post

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay oo Dalka Turkiga loo qaaday.

Next Post

Horjoogayaal muhiim ah oo Alshabaab looga dilay Sh/hoose

Next Post
Horjoogayaal muhiim ah oo Alshabaab looga dilay Sh/hoose

Horjoogayaal muhiim ah oo Alshabaab looga dilay Sh/hoose

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

July 28, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ololihiisa doorashada ka sameeyay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, iyadoo ay ka...

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026
0

Addis Ababa, Itoobiya | 28 Luulyo 2026: Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgaleysa Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgaleysa Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026
0

Addis Ababa, Itoobiya | 28 Luulyo 2026 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
0

Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka furmaya Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Dalka, kaas oo uu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In