Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay bulshada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhammeystirka dib u heshiisiinta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay bulshada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhammeystirka dib u heshiisiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada deegannada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

Madaxweynaha oo ka qeyb galayey munaasabad ku saabsan dhaqan gelinta heshiiska ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Urur Goboleedka Wadamada Geeska Afrika ee IGAD kaalinta ay ka qaateen, isagoona sidoo kale bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Related posts

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026

“Maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta qiimaha badan ee dhisitaanka iyo marti gelinta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka qaateen shacabka iyo wax-garadka magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ahayd.

“ Heshiiskan waa bilow wanaagsan, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado. Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, danjireyaasha wadama Jabuuti iyo Kenya, Wakiillada Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kormeer ku tagay Xerada Taliska Ciidanka 21aad ee Xoogga Dalka, halkas oo ay ku sugnaayeen ciidammo horey uga tirsanaa maamulka Ahlu Sunna balse haatan lagu wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan ayaa faray in ay u istaagaan gudashada waajibaadka qaranka, qeybna ka noqodaan dagaalka lagaga sifeynayo Alshabaab deegaannada kale ee ay kaga harsanyihiin dalka.

Previous Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kormeer ku sameeyay Xafiiska Bixinta Baasaboorka ee Dhuusamareeb

Next Post

Taliye Gorod oo ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya

Next Post
Taliye Gorod oo ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya

Taliye Gorod oo ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
0

Muqdisho, 05 Maarso 2026 – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

March 5, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay ansixinta ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

March 5, 2026
0

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In