Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo” waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Dhiig u shubay dadka ku dhaawacmay Qaraxii Shalay ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

“Carruuta, haweenka, dhalinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda ay le-egtahay khasaarada iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa insha Allaahu, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa wadada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, wadadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

Previous Post

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Ka tacsiyeysay gumaadkii shalay ka dhacay isgoska Zoope malagada Muqdisho

Next Post

R/wasaare kheyre oo Guddi u xilsaaray gurmadka dadka qaraxii shalay waxyeelada ay kasoo gaartay

Next Post
R/wasaare kheyre oo Guddi u xilsaaray gurmadka dadka qaraxii shalay waxyeelada ay kasoo gaartay

R/wasaare kheyre oo Guddi u xilsaaray gurmadka dadka qaraxii shalay waxyeelada ay kasoo gaartay

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In