C/Weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland oo kusugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug wada dadaalo ku aadan xoojinta heshiiskii nabadeed oo dhawaan lagu gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wariyaheena ku sugan magaalada Gaalkacyo C/naasir Maxamed Cali ayaa soo sheegaya in madaxweynaha Puntland uu ujeedka socdaalkiisa oo uu ku joogo Gaalkacyo ku tilmaamay in uu yahay mid looga gol leeyahay xoojinta heshiisyada nabadeed iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadda iyop isdhexgalka bulshada.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo wuxuu kulamo la qaadanaya Mas’uuliyiinta Gobolka,Saraakiisha Ciidamada,Odayaasha iyo Dhalinyarada Gobolka Mudug ee Puntlandiyo guud ahaan qeybaha bulshada,isagoo kala hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga iyo nabadda.
Mar uu la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in ay miro dhaleen heshiisyadii nabadeed,islamarkaana gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii dhibaatooyinka iyo dilalka geysan jiray.
Waxaa dhawaan lagu guueystay in si rasmi ah loo furo wadooyinkii ku xirmay rabshadihii horey uga dhacay magaalada Gaalkacyo kadib markii golol uu fidiyay taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,waxaana haatan caadi ku soo laabtay isu socodka bulshada magaaladaasi.