Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland oo xilka la wareegay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland oo xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash iyo Madaxwayne ku xigeenka cusub ee dhawaan la soo doortay Ilyaas Cismaan Lug Atoor.

Xafladan xilwareejinta oo ka dhacday gudaha Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa goojoog ka ahaa Wasiiro kala duwan, Howlawadenada Xafiisyada Madaxtooyada Puntland iyo xubno kale.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026

Madaxwayne ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash ayaa u hambalyeeyay Madaxwayne ku xigeenka cusub, xilli uu xusay in uu yahay shaqsi fahamsan shaqada Xafiiska iyo waxa looga baahan yahay.

Ilyaas Cismaan Lug Atoor Madaxwayne ku xigeenka cusub ee Puntland ayaa dhankiisa ka mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay mudadii uu Joogay Xafiiska Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa u mahadceliyay Madaxwayne ku xigeenkii hore Axmed Karaash sidoo kalana kula dardaarmay Madaxwayne ku xigeenka cusub in uu shaqada Xafiska halkeedii ka sii wado.

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay Safiirka Hindiya

Next Post

Xukuumadda FS oo soo saartay xeer lagu dhiirigelinayo dhammaan shaqaalaha Dowladda

Next Post
Xukuumadda FS oo soo saartay xeer lagu dhiirigelinayo dhammaan shaqaalaha Dowladda

Xukuumadda FS oo soo saartay xeer lagu dhiirigelinayo dhammaan shaqaalaha Dowladda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Mudug,...

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In