Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo ku sugan Degmada Caabudwaaa ayaa kulan looga hadlayay Amniga Degmada waxaa uu la yeeshay Maamulka Degmada  iyo Taliyayaasha u xilsaaran Nabadgelyada Degmada iyo deegaannada ku xeeran.

Kulanka oo intiisa badan looga arinsanayay amniga Degmada ayaa sidoo kale waxaa la faray saraakiisha nabadgelyada inay hawlgeliyaan ciidamada u xilsaaran amniga ee dhawaan loo carbiyay Xasilinta degmada.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026

Gudoomiyaha Degmada  Caabudwaaq Faarax Cabdulle Xasan (Samadoon)  oo markii uu soo xirmay kulanka lahadlay Warbaahinta ayaa la wadaagay qodobadii kulanka ka soo baxay oo ay ugu weyneyd xoojinta Nabadgelyada iyo isdhexgalka bulshada, lagana hortago cidkasta oo qalqalgelineysa amniga.

Faarax Cabdulle Xasan ayaa xusay in ciidamada amniga ay habeen iyo maalin degmada iyo deegaannada ku xeeran ka sameyn doonaan howlgallo nabadgelyada lagu xoojinayo, isla markaana qofkii qalqal amni sameeya, laga qaadi doono talaabo sharaciga waafaqsan.

“Magaalada qofkii lagu arko isaga oo qori wata ay ciidamada awood u leeyihiin inay kala wareegaan hubkaas, isla markaana aan loo celin doonin, qofkii isna dagaal kala horyimaada ciidamada amniga laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, iyadoo loo marayo hannaanka uu sharciga dhigayo”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdifataax.

Previous Post

Qoysas cuub oo kaamam ka samaysanaya duleedka magaalada Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo

Next Post
Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ayaa beenisay warar ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo la xiriira hakad...

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In