Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed ugu mahaceliyay dulqaadka ay muujiyeen qabsoomidda shirka 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD, waxaana uu si gaar ah ciidamada amniga ee dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ku bogaadiyay sida ay u xaqiijiyeen sugidda amniga caasimada.

“Soomaaliya waxa ay ka midtahay wadamadii aas aasay Urur Goboleedka IGAD, runtii shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay martigeliso waxa ay u tahay sharaf weyn, waxaan shacabka uga mahadcelinayaa qabsoomidda shirka, ciidanka amniga iyo kuwa AMISOM waxa ay suurta geliyeen shir heerkan oo kale ah lagu qabto Muqdisho, Codowga waxa uu isku dayayay in uu carqaladeeyo shirka, laakiin ciidamadeena waa ay ka hortageen” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in amniga Soomaaliya ay tahay mid la isku haleyn karo, waxaana uu intaa ku daray in dhamaadka sanadkan ay Muqdisho shir kuyeelan doonaan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD, taasi oo ah talaabo horumar ah oo xagga amniga ay ku talaabsatay dowladda.

“Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda waxaan soo jeediyay oo la aqbalay in Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD ay yimaadaan dalka oo ay ku qabsadaan shirkooda caadiga ah, sida ay u yimaadeen Wasiirada Arrimaha dibadda ayay Madaxweynayaasha IGAD u imaan doonaan” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sdioo kale shirkiisa jaraaid kaga codsaday shacabka iyo madaxda kale ee Qaranka inay muujiyaan dulqaad, isla markaana la dhiirigelinayo horumarka uu dalka ku talaabsanayo, lagana hortago waxkasta oo carqaladeyn kara dowladnimada.

Previous Post

Wejiga koowaad ee shrika Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Next Post

Shirka Wasiirada Arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Next Post
Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda IGAD oo Goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho{SAWIRRO}

Shirka Wasiirada Arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In