Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Idman Yahye by Idman Yahye
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen?

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026

Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay – jiritaanka anticline, fault traps iyo salt domes, oo hayn kara shidaal. Waxay arkeen jiritaanka shidaal haye (reservoir) iyo shidaal dhale (source rock), sida ay qorayaan Warbaahinta dalka Turkiye.

Ka dib markay baroosees-gareeyeen xogaha saysmikada, waxaa u soo baxday baro nuurayo (bright spots), iyo baro mugdi ah (dim spots), oo tilmaamayo shidaal dareere ah (batrool) iyo mid gaas ah.

Maxay sheegeen dhul-yaqaanada (geologists) shirkadda TPAO? Waxay qiyaaseen shidaalka ku jira 2da xirmo (blocks) oo ay sahmiyeen inuu dhan yahay 20 bilyan barmiil/ama barmiil-u-dhigan oo gaas ah. Ogaada inaan weli ceel la qodin. Waa qiyaas ee ma aha dhab. Dhabta waxaa lagu gaara marka Ceelal la qoday laga helo shidaal, oo la bam-gareeyo oo laga qiyaaso meeshaas Beerta Shidaalka ah ee la helay muggeeda iyo awoodeeda.

Haddaba Warbixin kooban oo laga helay Markabka Sahminta Shidaalka ee Dowladda Walaalaha ah ee Turkiga ayaa si guul ah u soo gabagebeeyey howshiisii Badda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Turkiga ayaa tallaabo muhiim ah ka qaaday dhinaca iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Markabka sahminta Shidaalka ee Oruç Reis uu si guul leh u dhammeystay howlgal muhiim ah oo uu ka waday biyaha Badda Soomaaliya.

Markabkan casriga ah ayaa shaqadiisa ka bilaabay Xeebaha Soomaaliya 25-kii Oktoobar 2024-kii, wuxuuna muddo 234 maalmood ah, si isdaba joog ah uga shaqeynayay seddex qaybood oo istaraatiiji ah oo Badda Soomaaliya ka mid ah. Intii lagu guda jiray howlgalkaasi, waxaa la ururiyey xog rasmiga ah oo 3D ah (seddex-geesood ah), iyadoo la daboolay dhul badeed baaxaddiisu tahay 4,464 kiiloomitir oo isku wareeg ah.

“Xogtan qiimaha badan ee uu markabku soo ururiyey ayaa noqon doonta mid tiir-dhexaad u ah daraasadaha iyo go’aamada mustaqbalka ee la xiriira qiimeynta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira biyaha Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Tani waxay fure u noqon kartaa xoojinta madax-bannaanida dhaqaale ee Soomaaliya iyo sare u qaadidda awoodda istiraatiijiga ah ee dalka ee Geeska Afrika”, sidaasi waxaa sheegay Khabiir ku takhasusay arrimaha Shidaalka.

Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa in uu ka ambabaxo dekedda Muqdisho 15-ka Juun 2025-ka, isaga oo ku soo tagaya dalka Turkiga, si loo farsameeyo una sii qiimeeyo xogtii muhiim ka aheyd ee uu helay.

Howlgalkan sahminta ah waxa uu tusaale cad u yahay xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo taageero toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Tamarta, Madaxbannaanida iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku maneystay dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalka, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyay in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal, wuxuuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaasi oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

W/Q C/Laahi Ruush.

Previous Post

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shirka dalalka ku midoobay( EAC)

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In