Wednesday, November 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo la kulmey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha Jamhuuriyada oo Khudbad ka jeediyay Xuska Ururkii Xornimo Doonka Dalka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

18 Febraayo 2015, Mekelle:- Ethiopia: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Mekelle kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada waddan iyo arrimo kale oo gobolka ku saabsan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadaneyso nabadeynta Soomaaliya iyo sidii amniga gobolka loo sugi lahaa.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

November 18, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

November 18, 2025

“Waan ku faraxsanahay iskaashiga inaga dhexeeya oo maalinba maalinta ka sii dambeysa sii kordhaya. Shacabka iyo dowlada Soomaaliya marna ma ilaabi karaan taageerada aad inoo fidiseen xiliyadii adkaa. Waxaana rajeynayaa inaan si buuxda uga wadashaqeyn doono in gobolka geeska Afrika uu noqdo gobol xasiloon oo gaara horumar lagu faani karo.”

Ra’siiul Wasaaraha Ethiopia Haile Mariam Desalegn ayaa isna madaxweynaha Soomaaliya mar kale uga mahadceliyey ka soo qeybgalkiisa xuska 40 guuradii ka soo wareegtay asaaska ururka TPLF, isagoo dhanka kalena ku amaaney dowladda Soomaalida dadaalka ay ugu jirto xasliinta waddanka.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo labada dal ka kala socdey.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Duqa Muqdisho Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Dalka Ciraaq “Sawirro”

Next Post
Duqa Muqdisho Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Dalka Ciraaq “Sawirro”

Duqa Muqdisho Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Dalka Ciraaq "Sawirro"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, Caasimadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

November 18, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha Peace Framework ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Isbahaysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In