Wednesday, July 6, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya

December 22, 2014
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani xerada Jaziira ee  duleedka Muqdisho loogu soo xirayay dufcaddii labaad ee ciidamada gaarka ah  Komaandooska ee Danab iyo saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah, waxaana munaasabadda xirtaanka tababarkani ka qaybgalay madaxweynaha dalka mudane  Xasan Sheekh Maxamuud.

munaasabadaasi  xirtaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa, Taliyaha CXD Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022

waxaa halkaas ka hadlay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaq qarshe  oo sheegay in ciidamadani ay yihiin dufcaddii labaad ee komaandooska ay yeelanayso Soomaaliya, isagoo ciidamadan ku ammaanay inay tababar aad u sarreeya qaateen, uuna rajeynayo inay isbedel dalka ka sameyn doonaan.

Waxaa isaguna ka hadlay xafladda xirtaanka tababarka sii-hayaha wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxda argagaxisada, loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto dagaalkooda si dalkan nabad looga dhigo muddo fog kaddib.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalkan  nabad aad ka dhigtaan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri ciidamada tababarka loo soo xirayay

Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa saldhigga xafladdu ka dhacaysay ku soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, kaasi oo ay mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa ay  aad ula yaabeen.

 

IB0A6615IB0A7366IB0A7362IB0A7359IB0A7356IB0A7351IB0A7343IB0A7337IB0A7330IB0A7325IB0A7324IB0A7316IB0A7312IB0A7311IB0A7306IB0A7294IB0A7293IB0A7281IB0A7270IB0A7269IB0A7268IB0A7267IB0A7266IB0A7265IB0A7264IB0A7246IB0A7245IB0A7243IB0A7242IB0A7212IB0A7208IB0A7203IB0A7202IB0A7200IB0A7177IB0A7173IB0A7171IB0A7170IB0A7169IB0A7166IB0A7154IB0A7152IB0A7151IB0A7146IB0A7143IB0A7140IB0A7114IB0A7110IB0A7108IB0A7026IB0A7008IB0A6997IB0A6996IB0A6994IB0A6991IB0A6981IB0A6976IB0A6961IB0A6948IB0A6933IB0A6916IB0A6915IB0A6913IB0A6912IB0A6911IB0A6910IB0A6909IB0A6905IB0A6895IB0A6893IB0A6891IB0A6886IB0A6875IB0A6874IB0A6853IB0A6852IB0A6851IB0A6822IB0A6816IB0A6815IB0A6814IB0A6750IB0A6732IB0A6729IB0A6728IB0A6727IB0A6712IB0A6711IB0A6708IB0A6703IB0A6691IB0A6690IB0A6685IB0A6676IB0A6664IB0A6662IB0A6652IB0A6649IB0A6647IB0A6645IB0A6643IB0A6639IB0A6635IB0A6629IB0A6627IB0A6625

Previous Post

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaaliyeed oo la kulmay jaaliyada Columbus Ohio “Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya...

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022
0

Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil 17 jir ah uu dhintay, wiil kale oo 16-sanno jirana...

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

July 6, 2022
0

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu Shir uga socdaa Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar...

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

July 5, 2022
0

Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In