Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaaliyeed oo la kulmay jaaliyada Columbus Ohio “Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaaliyeed Dr. Ahmed Ali Dahir  oo  gaaray magaalada Columbus ayaa waxa uu kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka, waxana uu warbixin ku saabsan arimaha Soomaaliya uu siiyay Jaliyada oo aad ugu xiiso qabtay in ay waxbadan ka ogaadaan dalkooda iyo marxalada uu ku suganyahay.

Waxa uu xeer ilaaliyuhu aad uga hadlay arimaha la xariira Garsoorka iyo howlaha xafiskiisa kaas oo ah mid aad u mugweyn, isla markaana ah laf dhabarta Garsoorka iyo Cadaalada Dalka.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Kulanka oo  aad loogu  qiirooday kana ilmaysiisay inta badan dadka kulanka goob jooga ka ahaa kadib markii laga sheekeeyay marxalada uu dalku ku jiro iyo sida iminka wax un uu soo hagaagaya

Horumarka

Rajo aad u wanaagsan ayuu gabi ahaan dalka ka muujiyay isaga oo ka sheekeeyay in dalka ay ka jiraan isbadalo waxbarasho, Caafimaad, Ganacsi iyo waxyaaba kale oo gaar loo leeyahay kuwaas oo kaabay shacabka dagaaladu soo daashadeen gaar ahaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Dhalinta

Xeer ilaaliyaha ayaa dul istaagay arrimaha Dhalinyarada oo uu sheegay in ay yihiin  kuwa tiigsanaya horumar waxbarasho iyo shaqo meel fiican gaartay, waxa uu xusay in ay adkaan doonto in dhalinta qurbaha ay shaqo helaan xili dhalintii gudaha dalka ay waxbarasho dhaxal gal ah ka soo baxeen, kuwana ka soo baxayaan.

Garsoorka

Garsoorka ayuu xusay  Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Ahmed Ali Dahir  in qabyo weyn ay ka jirto iyada oo waxyaabaha lagu baaro dambiyada iyo dadka baara aysan haysan qalab ku filan, tusaale qalabka loo bahanyahay waxaa ka mid ah, midka lagu baaro ama cadaynaya raga Kufisiga gaysta, baaritaanka dhaqtarka kaliya ma’ahan mid nagu filan hadaan cadayn lahayn, waxaa ka mid ah in la helo qalabka faraha oo casri ah iyo dad u tabo baran.

Xabsiyada

Xabsiyada dalka ayuu tilmaamay Dr. Ahmed Ali Dahir  in ay yihiin kuwo aad ugu baahan dayactir iyo in dib loo habeeyo xili xaalado aad u adag ay ka jiraan xabsiyada, oo tiradii loogu talo galay ka badan ay ku jiraan, Tusaale qol loogu talo galay in lagu xiro, 12 qof waxaa ku jirta 50 ama 60 ruux waxayna sababtaa in ay dadku qaar dhintaan una dhintaan cariiri, waxa uu xusay Magaalada Bayhabo in dhawaan 2 maxbuus u dhinteen cariiri ka soo wajahay qolka kadib markii tiro aan loogu talo galin lagu xareeyay.

Magaalooyinka, Baydhabo, Muqdisho, Kismaayo iyo kuwo kale ayaa u bahan dib u dhis xabsi.

Waxa uu arrinta xabsiyada ka muujiyay walaac aad u xun oo cafimaad la’aan iyo dhismayaasha oo duqoobay ah, waxana uu jaaliyada ka codsaday in aysan sugin wadamo shisheeye ee ay wax ka qabtaan oo gacan ka gaystaan sidii dib loogu habayn lahaa xabsiyada.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxa uu ka sheekeeyay in xarunta xeer ilaaliyaha markuu imaanayay ay ahayd meel aad u dayacan, balse maanta ay ka fiicantahay shalay, walina ay u bahany ihiin isbadal dhan walbaa, iyaga oo ku tashanaya dadkooda iyo ganacsatadooda.

Qadiyada  Badda  Soomaaliya

Inbadan ayuu ku dheeraaday arrimaha dadku wax iska weydiiyaan ee xaduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya isaga oo dadka u sharaxay sida Runtaa ee wax u jiraan iyo in xaalada badda ay meel fiican mareyso islamarkaana aysan ogolaan doonin in taako ka mid ah bada Somalia la qaato.

Waxa uu ahaa kulan aad u xiiso badan islamarkaana laga dhaxlay xog waraysi qoto dheer, waxana uu horay u soo maray Soomaalida Minnesota oo sidan oo kale uu ula soo kulmay.

an.IMG_8127 IMG_9522 IMG_9544 IMG_9546 IMG_9547 IMG_9565 IMG_9568 IMG_9575 IMG_9580 IMG_9592 IMG_9593 IMG_9595 IMG_9599 IMG_9629 IMG_9647 IMG_9666 IMG_9685 IMG_9687 IMG_9701 IMG_9705 IMG_9731 IMG_9743 IMG_9775 IMG_9783 (1) IMG_9783 IMG_9794 IMG_9801 IMG_9828 IMG_9846 IMG_9849 IMG_9894 IMG_9898 IMG_9901 IMG_9926 IMG_9928 IMG_9934 IMG_9940 IMG_9961 (2) IMG_9962 (2) IMG_9968 IMG_9969 (2) IMG_9969 IMG_9975 IMG_9981 IMG_9992

Sawir Qaade:- Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ee Dalka Mareykanka Deeqo Shire (SONNA)

 

Previous Post

Akhlaaqda Dagaalka iyo aragtida Islaamka Dhageyso

Next Post

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya

Next Post

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In