Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa ayaa tilmaamay in farriinta safarkiisa Galmudug uu xambaarsanaa ay ahayd xoojinta nabadda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka iyo guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, dhammeystirka Dastuurka iyo hirgalinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan ajandeyaasha qaranka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, dowladnimada iyo horumarka dalka.











