Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka shir madaxeedka amniga Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka shir madaxeedka amniga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bahir Dar, 16 April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa).

Shirkan ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah waxqabadkii shantii sanno ee la soo dhaafey, xaaladda nabadgelyada iyo amniga ee Africa, doorka qaaradda ee amniga caalamka, iyo fikrado is-dhaafsi la xiriira tayeynta amniga iyo xalinta xasaradaha.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madashan ay gogol xaar wanaagsan u tahay qaaradda Afrika inay mashaakilaadkeeda xal u hesho, kana wada shaqeyso la dagaalanka xagjirnimada, kala qoqobka shucuubta Afrika iyo in diiradda la saaro horumarka iyo iskaashiga caalamka intiisa kale.
Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika,
laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale.

Guddoomiyaha Madasha Sare ee Amniga Afrika, Olusegun A. Obasanjo oo ah Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, oo furitaanka kulanka ka hadley ayaa sheegay in Afrika aan looga maarmin inay door muuqda ku yeelato go’aaminta arrimaha amniga caalamka, maadaama ay leedahay muhimad dhaqaale, siyaasad iyo amni intaba.

Shirkan labada maalmood soconayaa ayaa dadka ka hadli doona waxaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha Africa, Xoghayihii hore ee Guud ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan iyo diblomaasiyiin kale.

Previous Post

Ololaha wacyigalinta Biya nadiif ah oo Galkacyo ka billowday”SAWIRRO”

Next Post

Kulan looga hadlaayo dhismaha waddooyinka Kismaayo oo lagu qabtay magaaladaasi

Next Post
Kulan looga hadlaayo dhismaha waddooyinka Kismaayo oo lagu qabtay magaaladaasi

Kulan looga hadlaayo dhismaha waddooyinka Kismaayo oo lagu qabtay magaaladaasi

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In