Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlaayo dhismaha waddooyinka Kismaayo oo lagu qabtay magaaladaasi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlaayo dhismaha waddooyinka Kismaayo oo lagu qabtay magaaladaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ahaa mid diiradda lagu saarayay burburka wadooyinka magalada Kismaayo iyo waddo si qaldan loo dhisay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ayaa waxaa ka soo qeebgalay masuuliyiinta maamulka jubbaland iyo dhammaan qeybaha bulshada magalada iyo masuuliyiin ka socotay hay’adda USAID
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay qeybihii buslahada ee ka soo qeybgalay iyagoona si iskumid ah u sheegay in uu jiro burburka waddooyinka qaar, loona baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo.

Ugaas Xasan Siraad Afdhuub oo u hadlayay wax garadka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu jiro qalad dhanka dhismaha waddooyinka ah, loona baahan yahay  in lala Xisaabtamo hay’adaha dhismaha loo xil saaray.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Guddoomiyaha dagmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Tima jilic oo kulanka kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maamulku uusan ogolaaneyn in la qiyaano dhismaha waddooyinka islamkaraana lala xisaabtami doono hay’ad kastaa oo qandaraas ku qaadata dhismaha waddooyinka habka ay wax u qabaneyso.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo kulankaasi ka hadlay ayaa isagana dhankiisa sheegay in maamulka ahaan lala xisaabtami doono hay’adaha dhismaha magaalada qandaraaska ku qaata si bulshadu u hesho waddooyinka wanaagsan.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xilli uu burbur baahsan ka jiro waddooyinka magalada Kismaayo islamarkaana ay jirto waddo  ay hay’adda USAID ku bixisay lacag dhan Halmilyan oo doolar balse si qaldan loo dayactiray marka loo eego gododka ka qodan hareeraha waddooyinka, iyadoona arintan kal hore uu si kulul uga hadlay Madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Kismaayo Aadan Max’ed Salaad

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka shir madaxeedka amniga Afrika

Next Post

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha oo maanta booqaday xabsiga dhexe ee Xamar+Sawirro

Next Post
Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha oo maanta booqaday xabsiga dhexe ee Xamar+Sawirro

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha oo maanta booqaday xabsiga dhexe ee Xamar+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In