Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhowed Shir jaraaโid ku qabtay magaalada Kismaayo oo ah Caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda Gobolleedka Jubbaland,ayaa ka hadlay Guullaha laga gaaray la dagaalanka Khawaarijta.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in hawlgalada looga sifaynayo dalka Khawaarijta guulo fiican laga gaaray inta ugu badanneย laga xorreeyey deegaanadii ay Shacabka ku dhibaateyn jireen Khawaarijta.
Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ka hadlay halka ay marayaan hawlaha Dhamaystirka Dastuurka oo doodiisu hadda ka socoto Golaha shacabka Jamhuuriyayadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha, ayaa xusay in dhamaystirka Dastuurku muhiimad weyn ugu fadhiyo xuquuq helida Shacabka Soomaaliyeed iyo hannaanka Dowlad dhiska.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu faahfaahin ka bixiyey Safar uu ku tegi doono magaalada Addis ababa halkaas oo uu ka dhacayaan shirar kala duwan sida Shirka Midowga Afrika,Shirka Urur gobolleedka IGAD iyo Shirka Dallada Bulshada Bariga Afrika.
Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dhammaan shirarkaan muhiim u yihiin Soomaaliya halkaana uu ka jeedin doono Farriinta Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan damaca Gurracan ee Dowladda Itoobiya ku hayso Madaxbanaanida Dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.