Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Daah-furka Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Daah-furka Qorshaha Isbeddelka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029 ayaa tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hannaan Qaran oo sal adag leh, caqabadaha ku gedaaman iyo fursadaha aan haysanno si aan uga miro dhalino aragtida  ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleyso xaqiijinta hadafyada horumarineed ee uu dalkeennu u baahan yahay ayaa diiradda saartay sameynta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku qotomo la falgelidda xaaladaha taagan, soo saaridda khayraadka dalkeenna, ka faa’iideysiga fursadaha iyo khibradda aan u leenahay in aan ku saleyno baahiyaha ay dadkeenna u qabaan hirgelinta ujeedooyin waxtar leh ee guuleysta.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

“Soomaaliyada cusub ee aan rabno 2060-ka, waa ka duwan tahay tan aan maanta joogno, dhabbaha iyo qorshaha aan dejinay haddan ka run sheegno waa xaqiijin karnaa aragtideena, waxaana sameyn karnaa in aan qaadno tallaabooyin waaweyn iyo mucjusooyin aan adduunyada hore uga dhicin haddan iska kaashanno ka shaqeysiinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, taas waxay abuureysa kalsooni iyo maalgashiyo waaweyn oo ay ku dhiiradaan ganacsatadeenna iyo kuwa caalamkaba in ay mashaariic ka hirgeliyaan dalka gudahisa, waana bilaabatay hadda howshaas, kuwa badanna inta uusan dhamman sannadka ayaa dhagax dhigi doonna”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay isbedel dhab ah ka sameyso, xoojinta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta garsoorka iyo adeegyada bulshada oo ay ugu horreyaan tacliinta, caafimaadka iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isaga oo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la kobciyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado hal abuurka iyo wax soosaarka dalka, iyada oo ay dowladdu ku hoggaamineyso sameynta xeerarka, shuruucda iyo dhaqangelintooda, ilaalinta xasillonida iyo daahfurnaanta si loo helo deegaan nabdoon oo u sahlaya ganacsatada in ay ku soo bandhigaan maalgashigooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya halkii ay joogtay muddo dheer aysan marnaba suuragal ahayn in ay sii joogta, si cabsida looga gudbaana ay tahay in si daahfuran loo wajaho caqabadaha waaweyn, laga dabaasho xaaladaha adag, iyada oo markasta xoogga la saarayo waddada guusha, lana yareynayo guul darrada si loo xaqiijiyo hadafyada fog ee ay dadka Soomaaliyeed filayaan, loona gaaro horumar waara, isaga oo xusay in kala aragti duwanaanta dadkeenna ay tahay mid muujineyso ilbaxnimo, biseyl, qadarin iyo dhiiragelin ay Mas’uuliyiinta dowladda ay helayaan si loo horumariyo dowladnimadeenna iyo isbedelka togan, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ku adkeeyey in Xukuumadda lagu garabsiiyo meelmarinta qorsheyasha Qaran ee ay ugu muhiimsan yihiin in shacabka codkooda ku soo doortaan hoggaanka dalka iyo in argagixisada laga sifeeyo dalka.

 

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda oo xarigga ka jaray xarunta Wasaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa “Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka”

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In