Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Turkiga 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
10 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Turkiga 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Related posts

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026

Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post

Duqa Muqdisho oo soo xiray Tartanka Qur’aan Aqriska Bisha Ramadaan 

Next Post
Duqa Muqdisho oo soo xiray Tartanka Qur’aan Aqriska Bisha Ramadaan 

Duqa Muqdisho oo soo xiray Tartanka Qur'aan Aqriska Bisha Ramadaan 

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la...

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SOUTH SUDAN):-Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso mowqifyada Midowga...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi...

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In