Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Xiriirka Walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid soo jireen ah”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Wafdiga Madaxweynaha Turkiga sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisyada ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay noqon doonaan mid sii adkeeya xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi doonin garab istaaga ay Walaalahood Turkiga ka heleen, isla markaana heshiisyada ay kala saxiixdeen uu yahay kuwa ka turjumaya xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dib dalka Soomaaliya ugu soo dhoweeyo Madaxweyne Erdoğan . Saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya waa mid qoto dheer, laga soo bilaabo qarnigii 16aad, xilligaas oo uu jirey xiriir ka dhexeeya boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Saldanadii Adel ee Soomaaliya.

“Maantadan la joogo, dowladda Turkiga waxa ay si cabsi la’aan ah u muujineysey sida ay uga go’an tahay taageerada horumarka Soomaaliya, Turkiga ma sugin in xaaladda ay isbedesho ama soo hagaagto si ay maalgashi u sameeyaan, balse maalgashigooda waxaa uu gacan ka geystey in la abuuro xaalado wanaagsan keenaya xasilooni iyo kobac dhaqaale. Saaxiibtinimada iyo taageerada Turkiga u muujisey Soomaaliya waa arin abid si weyn loo xusi doono,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Previous Post

Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In