Munaasabadaan lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, laguna soo dhaweynayay booqashii taariikhiga ahayd ee uu shalay dalka ku yimid Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoฤan, ayna ka qeyb galeen masโuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, xubno ka socday hayโadaha samafalka ee Turkiga iyo qeybaha bulshada ayaa xalay lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.
Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka benaadir ayaa faniin Soomaaliyeed oo ka qeyb galay ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka hadleysa waxqabadka dowladda Turkiga ay ka sameeyeen dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen โMuungaabโ oo ugu horeyn xafladda hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed aysan ilaabo doonin taageerada iyo garab istaaga ay u sameysay dowladda Turkiga.
โWalaalaha Turkiga waxqabad muuqdo ayay dalka ka fuliyeen, runtii shacabka Soomaaliyeed ma iloobi doonaan abaalka ay noo galeen Walaalaha Turkigaโ ayuu yiri Muungaab.
Guddoomiye ku-xigeenka hayโadda bisha cas ee dalka Turkiga Nihat Adiguzel oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal.
Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku yimid dalka ay tahay mid taariikhi ah oo ka turjumeysa Walaaltinimada ka dhexeysa labada dal.
โWaxaan jeclahay in aan aad uga mahadceliyo Guddoomiyaha Gobolka qabsoomidda xafladan, tan kale maanta waxaa qormay taariikh kale oo horleh, Walaalaha Turkiga waxbadan ayay noo qabteen, waana u mahadcelineynaaโ ayuu Wasiir Goodax hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.