Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 9 November 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Djibouti.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, dardar-gelinta dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo kan gobolka intaba.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi dowladda Djibouti iyo Madaxweyne Geelle uga mahadceliyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, naftoodana ay u hureen sidii Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagi lahayd.

Madaxweyne Geelle ayaa isna ku ammaaney dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen dhanka sugidda amniga, siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, isagoo intaa raaciyey in mar walba ay diyaar u yihiin taageero dhan kasta leh oo ay Soomaaliya u fidiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Djibouti ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Marka uu dhammeysto booqashada uu ku joogo Djibouti, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga sii gudbi doonaa magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

–DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Iyo Wasiir Odawaa Oo Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Next Post

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Next Post
Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In