Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynihii hore ee Masar oo lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynihii hore ee Masar oo lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda dambiyada ee dalka Masar ayaa ku  labaatan sano oo xabsi ah ku xukuntay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar Maxamed Mursi iyo xubno kale oo ka tirsanaa xisbiga Xorriyadda iyo Cadaaladda ee dalka Masar.

Sidoo kale maxkamaddu waxay ku xukuntay  Mursi in 5 sano ay boolisku kormeer ku hayaan.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026

Xukunkani maxkamaddu ku ridday Mursi waxa uu ku saabsan yahay dacwad la xiriirtay dad  ku dhintay rabshado iyo mudaaharaadyo ka dhacay bannaanka madaxtooyada Masar ee Qaahira, xilligii uu talada hayay madaxweyne Mursi.

Maxkamaddu waxay sidoo kale 20 sano oo xabsi adag ah ku ridday labo hoggaamiye oo ka tirsan Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin kuwaas oo kala ah Muxammed Albeltaaji iyo Cisaam Alciryaan, kuwaas oo maxkamaddu sheegtay in ay rabshado abaabuleen.

Madaxweyne Mursi, waxaa  sidoo kale uu sugayaa afar dacwadood oo kale, kuwaas oo la filayo in ay labo ka mid ah  makamaddu go’aan ka soo saarto 16 May.

Eedeymaha loo haysto madaxweyne Mursi waxaa ka mid ah in uu sir wadaagay kooxaha Xamaas iyo Xisbullaah iyo dacwad kale oo ku saabsan xabsiyo loo dhacay oo laga sii daayay maxaabiis , maalmo yar ka dib markii la riday maamulkii Xusni Mubaarak.

Markii la riday nidaamkii Mubaarak, Mursi waxa uu ku jiray xabsi, kaas oo uu ka soo baxsaday markii ay dad careysani  xoog ku soo galeen, oo ay maxaabiistii oo dhan oodda ka qaadeen.

Mursi, waxa uu ka mid ahaa maxaabiistii badnaa ee  jeelasha ka soo baxay xilligaas, kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee uu ka tirsan yahay ayaana lagu eedeeyay in ay xabsiyada jabiyeen.

Saddexdii Bishii July sanadkii 2013, ayay  milaterigu xukunka ka tuureen Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo so doorto dalka Masar.

Waxa uu talada hayay hal sano oo kaliya.

Talada waxaa kala wareegay wasiirkiisii gaashaan dhigga  Cabdulfataax Alsiisi, oo ka dibna noqday madaxweynaha Masar.

Masar wixii ka dambeeyay markii talada laga tuuray Maxamed Mursi,waxaa ka jira degganaansho la’aan siyaasadeed iyo ammaan.

Waxaa si joogto ah uga dhaca  qaraxyo, dibax baxyo rabshado wata iyo dagaallo ay milaterigu la galaan kooxo ku xiran ururka Daacish oo ka dagaallama gobolka Siinaa.

Previous Post

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo Cadaado kula shiraya qeybaha bulshada

Next Post

DEG DEG: Qarax lala eegtay maqaayad ku taalla Muqdisho

Next Post
Qarax dhimasho iyo dhaawac sababbay ayaa ka dhacay Hotelka Central ee Muqdisho

DEG DEG: Qarax lala eegtay maqaayad ku taalla Muqdisho

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In