Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Madaxweynihii hore ee Yemen oo la sheegayo in uu dalka ka baxay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Madaxweynihii hore ee Yemen oo la sheegayo in uu dalka ka baxay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warar laga helayo ilo kala duwan oo ku dhow dhow dowladaha Yemen iyo Sacuudiga ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax uu isaga baxay dalka Arbacadii.

Waxaa la filayaa in bixitaanka Cali Cabdalla Saalax si rasmi ah loogu dhawaaqo, sida uu qoray boggaΒ  wararka Yemen24.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Cali Cabdalla Saalax waxa uu hadallo hore oo uu jeediyay ku sheegay in uu doonayo in uu safar caafimaad ugu bixi doono dalka Mareykanka.

Saalix waxa uu ka codsaday Yamaniyiinta in ay iska cafiyaan, wixii gaabis ah oo dhankiisa ka dhacay muddadii Soddonka sano ka badneyd ee uu ka talinayay dalka Yemen.

Lama xaqiijin in dowladda Mareykanku dal ku gal siisay Saalax iyo in kale, laakiin waxaa lagu soo warramayaa in uu kulan la qaatay xubnaha qoyskiisa oo dhan, uuna la dardaarmay, taas oo dad badani u qaateen in uu safarkiisu dheeraan doono.

Cali Cabdalla Saalix, waxa uu dalka Yemen ka talinayay 33 sano, waxaana talada dalkaas looga tuuray kacdoon shacab, ka dibna waxaa la siiyay xasaanad ah in aan waxba loo raacan karin, hase yeeshee Saalix, waxa uu isbahaysi la galay kooxda Xuutiyiinta ee shiicada ah, kuwaas oo la wareegay inta badan magaalooyinka dalka Yemen oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Isballaarinta Xuutiyiinta iyo ciidammada daacadda u ah Cali Cabdalla Saalax ayaa keenay in Isbahaysi Sacuudigu hoggaaminayo ay dagaal ku qaadaan Xuutiyiinta, oo duullaan ku soo qaaday magaalada koofurta ku taalla ee Cadan, halkaas oo ay ku khasbeen madaxweynaha la doortay Cabdu Rabu Mansuur Haadi in uu u cararo Sacuudiga.

Previous Post

Kulan Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Next Post

ERDOGAN: Daacish waa Virus khatar ku ah Muslimiinta

Next Post
ERDOGAN: Daacish waa Virus khatar ku ah Muslimiinta

ERDOGAN: Daacish waa Virus khatar ku ah Muslimiinta

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In