Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madfac Alshabab soo tuureen oo dad shacab ah ku dilay degmada Wadajir

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Madfac Alshabab soo tuureen oo dad shacab ah ku dilay degmada Wadajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo qof oo kala ah, aabe iyo wiilkiisa oo umul lagula jirey ayaa geeriyooday, halka shan kale ay dhaawacmeen ka dib markii saaka hoobiyeyaal ay soo tuureen Alshabaab ku dhaceen xaafad dad shacabka degan yihiin oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen ehelada.

Hoobiye ku dhacay guri ay degan yihiin qoys ka kooban sideen xubnood, ayaa waxaa ka geeriyooday Allah u naxariistee, Cumar Aamin Maxamed iyo wiilkiisa, sidoo kale waxaa dhaawacantay afadiisa oo umul aheyd.

Related posts

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026

Abuukar Aamin Maxamed, oo la dhashay ninka geeriyooday ayaa sheegay in dhaawacyada loo qaaday xarumaha caafimaadka sidoo kalena meydka walaalkiis la geeyay xarunta dambi baarista ee CID.

“Walaalkey maqaadiir ilaahay ayaa ku dhacday, tan khasaare ma ahaan ee waa hoog,” ayuu si dareen leh u yiri Abuukar.

Muuqaalo goobta laga soo duubay ayaa lagu arkay dhiig badan oo dhex daadsan guri ka sameysan jiigad oo ay ku noolaayeen qoyska musiibada ku waabaristay saaka.

Alshabaab, ayaa ka dambeysay falkan argagax leh ee qoyskan Soomaaliyeed ku habsatay saaka, waxay madaafiic ku garaacaan meelaha shacabku degan yahay, kani waa  uu qeyb kamid ah ficilada dadka naxariis la’aanta ku sifoobay ay ku kacaan.

Previous Post

Shirka Golaha Wadatshiga Qaran oo looga hadli doono amniga doorashooyinka

Next Post

Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala wareegay amniga degmada Afgooye +Sawirro

Next Post
Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala wareegay amniga degmada Afgooye +Sawirro

Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala wareegay amniga degmada Afgooye +Sawirro

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In