Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madfac Alshabab soo tuureen oo dad shacab ah ku dilay degmada Wadajir

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Madfac Alshabab soo tuureen oo dad shacab ah ku dilay degmada Wadajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo qof oo kala ah, aabe iyo wiilkiisa oo umul lagula jirey ayaa geeriyooday, halka shan kale ay dhaawacmeen ka dib markii saaka hoobiyeyaal ay soo tuureen Alshabaab ku dhaceen xaafad dad shacabka degan yihiin oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen ehelada.

Hoobiye ku dhacay guri ay degan yihiin qoys ka kooban sideen xubnood, ayaa waxaa ka geeriyooday Allah u naxariistee, Cumar Aamin Maxamed iyo wiilkiisa, sidoo kale waxaa dhaawacantay afadiisa oo umul aheyd.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Abuukar Aamin Maxamed, oo la dhashay ninka geeriyooday ayaa sheegay in dhaawacyada loo qaaday xarumaha caafimaadka sidoo kalena meydka walaalkiis la geeyay xarunta dambi baarista ee CID.

“Walaalkey maqaadiir ilaahay ayaa ku dhacday, tan khasaare ma ahaan ee waa hoog,” ayuu si dareen leh u yiri Abuukar.

Muuqaalo goobta laga soo duubay ayaa lagu arkay dhiig badan oo dhex daadsan guri ka sameysan jiigad oo ay ku noolaayeen qoyska musiibada ku waabaristay saaka.

Alshabaab, ayaa ka dambeysay falkan argagax leh ee qoyskan Soomaaliyeed ku habsatay saaka, waxay madaafiic ku garaacaan meelaha shacabku degan yahay, kani waa  uu qeyb kamid ah ficilada dadka naxariis la’aanta ku sifoobay ay ku kacaan.

Previous Post

Shirka Golaha Wadatshiga Qaran oo looga hadli doono amniga doorashooyinka

Next Post

Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala wareegay amniga degmada Afgooye +Sawirro

Next Post
Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala wareegay amniga degmada Afgooye +Sawirro

Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala wareegay amniga degmada Afgooye +Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In